Skip to content

Aug. 21 – Labor Day, Sept. 1, 2025

13 Days 1 Hours 41 Mins

Soomaali

Waa maxay Bandhigga Carwada ee Minnessota?

Bandhig lagu soo bandhigo cunto, madadaalo, waxyaabo la raaco, dhaqanka beeraha, farshaxanka iyo ganacsi.

Goorma ayaa la qabanayaa Bandhigga Carwada Gobolka ee Minnesota?

Inta badan 12 maalmood, ku dhamaata Maalinta Shaqalaaha (Labor Day)
21 Agoosto ilaa 1 Siteembar 2025
27 Agoosto ilaa 7 Siteembar 2026

Saacadaha ay furan tahay?

Albaabada laga soo galo waxaa la furaa: 7 aroornimo ilaa 9ka fiidnimo. (7 aroornimo ilaa 7 fiidnimo Maalinta Shaqaalaha)
Goobta Carwada: 7 aroornimo ilaa 11 fiidnimo. (7 aroornimo ilaa 9 fiidnimo Maalinta Shaqaalaha)

Hours

Waa imisa qiimaha tigidhada xagee ayaan ka iibsan karaa?

Ku iibso tigidhada qiime jaban ka hor bilowga carwada! Qiimaha jaban tigidhada waxaa lagu iibiyaa ilaa 20 Agoosto:

Tigidhada qiimaha jaban oo waxyaabaha la raaco iyo ciyaaraha waa $40 50kii tigid ee isku xiran haddii aad ka iibsato goobahan inta ka horeysa 20 Agoosto.

Qiimaha tigidhada ee caadiga ah:

Dadka waaweyn (13 ilaa 64 jir): $20
Dadka Da’da ah (65+) $18
Caruurta (5 ilaa 12 sano jir): $18
Caruurta 4 jirka ah ama ka yar Lacag la’aan

Waxaa jira maalmo qiimaha tigidhada gelitaanka la jabiyo laakiin ku kooban tigidhada maalintaas la iibsado. Sidoo kale qiimaha tigidhada waxyaabaha la raaco iyo ciyaaraha waa la jabiyaa.

Deals & Discounts

Sidee ayaan ku heli karaa liiska waxyaabaha ka dhacaya Carwada Gobolka ?

Muusig iyo bandhig lacag la’aan ah

Halkan ka baar jadwalka waxyaabaha ka dhacaya iyo kooxaha qabanaya

Xagee ayey carwadu ku taalaa sidee ayaanse ku tegi karaa?

Carwadu waxa ay u dhaxeysaa St. Paul iyo Minneapolis. 1265 Snelling Ave. N., St. Paul, MN 55108

Goobaha gaadiidka la dhigto lacag la’aan ah iyo adeegga basaska

Goobaha Park and Ride ayaad ka heleysaan basas lacag la’aan ah oo idin geeya Carwada Gobolka kuwaas oo ka baxa 32 goobood

Basaska Dheereeya ee Carwada Gobolka

Magaalooyinka ku yaala duleedka magaalada waxaa ka soo baxa basas dheereeya oo dadka geeya carwada. Express Buses

Metro Transit, basaska iyo tareenada

Metro Transit: Khadka METRO A iyo Khadka 3 ayaa taga agagaarka Carwada Gobolka

Goobaha gaadiidka ladhigto ee Carwada Gobolka

$25 (lacag cadaan ah ama kaararka bangiga)

Sidee ayaan u kireysan karaa kurisga dadka naafada ah ama mootada batariga ku shaqeysa?

HomeTown Mobility ayaa idiin diyaarisay mootooyin iyo kuraasyta oo la kireysan karo. 

Ma soo qaadan karaa cunto iyo cabitaan?

Cabitaanada khamriga lama keeni karo carwada. Boorsooyinka, caagagga barafka, iyo qaboojiyayaasha waa la ogolyahay, laakiin waa lagu baarayaa albaabka. (Talaajadaha lama ogola in lala yimaado goobta carwada)

Xayawaanka dad la joogta ah mala imaan karaa goobta carwada?

Xayawaanka dad la joogta ah lama ogola in lala yimaado goobta carwada. Eeyda dadka haga iyo xayawaanka ee aad u heysato ogolaasho waa la ogol yahay.

Sigaar ma ku cabi karaa goobta carwada?

Iyada oo la eegayo amaanka iyo caafimaadka dadka oo dhan, sigaarka (oo ay ka mid yihiin kuwa electaroonigga ah iyo qalimada) waxaa lagu cabi karaa goobaha loo qoondeeyey oo kaliya. Khariidadda waxa aad ka heli kartaan goobaha macluumaadka. Marijuana lama ogola.

Fairgrounds map

Mala imaan karaa boorsooyinka garabka iyo kuwa dhabarka goobta carwada?

Haa, laakiin boorsooyinka, qaboojiyayaasha, waxyaabaha qofku wato waxaa lagu baarayaa albaabka.

Amaanka Barnaamijka Carwada ee Minnesota waxaa ka mid qalabka hubka baara ee la dhex maro oo la dhigay dhamaan albaabada laga soo galo. Boorsooyinka garabka iyo baakadaha waa la baarayaa marka kasta oo qofku galayo carwada Minnesota.

Waxyaabaha aan la ogoleyn waxaa ka mid ah:

  • Nooc kasta oo hubka ah, oo ay ka mid yihiin laakiin aan ku koobneyn qoryaha, midiyaha, wax kasta oo hub u eg, basbaaska indhaha la isaga buufiyo, qalabka korontada xoogga badan leh, iyo waxyaabaha la isku difaaco
  • Baaruudda iyo waxyaabaha qarxa iyo kuwa ololka dhaliya
  • Khamri dibadda lagala soo galo ama waxyaabo sharci daro ah
  • Qalabka daroonka ama waxyaabaha meesha fog laga xakameeyo
  • Bushkuleetiyada, giraanta, iyo qalabka lagu dul cararo
  • Xaywaaanka dad la joogga ah oo ay ka mid yihiin xayawaankla dadka wehliya. (Xayawaanka dadka haga waa la ogol yahay)
  • Waji dabool dabool uu qofku ku qarinayo aqoonigiisa (Waji daboolka dabab caafimaad ama diineed waa la ogol yahay)

Waxaa surogal ah in alaabada qaarkood aan ogolaan taasoo ku xiran shaqaalaha iyo ciidanka nabadgelyada.

Yaan la xiriirayaa xaaladda degdegga ah ee goobta carwada?

Wac 911

Carwada mala baajinayaa haddii uu roob da’o?

Carwada Gobolka waa soconeysaa haddii ay qorax tahay iyo haddii uu roob da’ayo. Jawiga marka uu xumaado waxaa laga geli karaa gabaad laga arki karo khariidadda: mnstatefair.org/maps/

Sidee ayaan ula xiriiri karaa goobaha la geeyo waxyaabaha luma?

Haddii ay alaab kaa lumaan, wac 651-288-4555 ama iimeyl lostandfound@mnstatefair.org.

Sidee ayaan shaqo uga heli karaa goobta carwada?

Maamulka Cawarada Gobolka Minnesota waxa uu leeyahay Xarunta Shaqaaleynta oo furan Juun ilaa Agoosto
State Fair Employment

Macluumaadkan waa mid wax laga bedeli karo.